Ismaaciil Haniiya oo ahaa madaxa xafiiska siyaasadda kooxaha muqaawamada Falastiiniyiinta ee ka dagaallama Gaza, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar culus oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Yahuudda xoogga lagu dajiyay dhulka barakaysan ee Falastiin.
Bayaan saaka oo Arbaco ah kasoo baxay kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin ayaa lagu sheegay in weerar ay fuliyeen ciidamada Yahuudda oo ka dhacay Tehran oo ah caasimadda Iiraan lagu dilay madaxa xafiiskooda siyaasadda ee Ismacil Haniya.
Weerarka ayay sheegeen in uu ka dhacay hoyga uu ninkan ka degganaa magaalada Tehran, halkaas oo uu kaga qayb galay caleema-saarka madaxweynaha dowladda shiicada ah ee Iiraan, kaasi oo ay ka qaybgaleen madax kala duwan oo ay ku jiraan dhammaan madaxda dowladaha iyo maamullada shiicada ah.
Wakaaladda wararka u faafisa Iiran waxay sheegtay in sarkaalka la khaarajiyay ee Ismaaciil Haniya iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen weerarka Yahuudda ee ka dhacay guri ay daganaayeen oo kuyaal magaalada Dhahraan.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha maamulka gumeystaha Yahuudda ee Netanyahu, ayaa wasiirradiisa iyo saraakiisha maamulkiisa u diray farriin ah inaysan wax faallo ah ka bixin dilka sarkaalkan ee ay ka gaysteen caasimadda Iiraan, taasi oo la macno ah inuusan maamulkan sheegan doonin dilkaasi.