Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga Sh/hoose, waxay howlgal culus oo qaraxyo ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa goob isbaaro u ah oo kutaal Sh/hoose.
Qaraxyada oo gaarayay ilaa saddex qarax ayay mujaahidiintu la beegsadeen isbaaro maleeshiyada Riddada u tiillay deegaanka Number 50, waxaana ku dhaawacay 3 askari oo uu ku jiray murtadkii heystay isbaarada oo lagu magacaabo Baafo.
Dhanka Mandheera, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ay maleeshiyaad murtadiin ah oo ay tabobaratay dowladda saliibiyadda Kenya ku leeyihiin deegaanka Buur-hajey oo ah deegaan hoostaga degmada Taagaabo ee gobolka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
laba askari oo murtadiin ah ayaa weerarka ku dhaawacmay, shirkadda Safricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Ssaliibiyadda ah ee Kenya oo saldhiga ku dhex tiilay iyo Mooto iyo teendhooyin Riddada Kenya ku daaban uga dhex dhisnaa saldhiga ayaa sidoo kale la gubay, agabyo kala duwan oo kuwa ciidanka ah ayay mujaahidiintu soo qaniimeysteen.