Howlgal qarax ah oo ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen saldhigga maleeshiyada booliska Ridada ee degmada Baladxaawo, ayaa lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo halkaasi ku sugnaa.
Howlgalkan qaraxa ah waxaa ku dhintay sarkaal ka tirsanaa Booliska Riddada ah, kaasi oo lagu magacaabi jiray Bileey Huufood, murtadkaan ayaa horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka murtadiinta ee degmada Baladxaawo.
Waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay 3 askari oo murtadiin ah, kaas oo mid ka mid ah lagu magacaabo Deeq, waxaana murtadkaasi soo gaaray dhaawac garaab ah.