Siciid C/llaahi Deni oo ah madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, ayaa isaga oo xaflad ka hadlayay xaqiijiyay in maamulkiisa uu aad ugu xooggan yahay musuqmaasuqa iyo wax is-dabamarinta.
Murtad Deni ayaa tilmaamay in qof kasta oo doonaya in uu ka mid noqdo xubnaha maamulka uu isaga madaxa u yahay uu ujeedkiisu yahay boobka hantida caamka ah.
Saraakiisha iyo xubnaha maamulkiisu ka kooban yahay, ayuu sheegay inay yihiin kuwa usoo shaqo tagay inay dadka iyo dalka dhacaan, dalka kaliya ma ahane wuxuu sheegay xitaa in dibadda ay uga soo biiraan xubno doonaya boobka hantida dadweyne.
Maamullada ashahaada la dirirka ee saliibiyiintu dalka ka dhisteen, ayaa caan ku ah musuqa iyo wax-isdabamarinta, marka laga soo tago boobka ay ku hayaan hantida danta guud, waxay sidoo kale dhacaan hantida gaarka loo leeyahay.