Taliska ciidanka ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa warsaxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhiggii maleeshiyada Riddada ee deegaanka Ilbaq ee duleedka degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe.
Taliska ciidamada ayaa warsaxaafadeedkiisa ku xaqiijiyay in weerarka cagmarinta ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyay mujaahidiintu na ay kula wareegeen xerada iyo baacsiga firxadka murtadiinta ee ka dhacay dhul howdka ah uu keenay dhimashada inta hadda la xaqiijiyay 27 murtadiin ah iyo dhaawac intaas ka badan.
Hub iyo gaadiid kala duwan ayuu sidoo kale taliska ciidanka mujaahidiinta xaqiijiyay in lagu soo qaniimeystay weerarkan barakaysan ee ka dhacay deegaanka Ilbaq ee hoostaga degmada Balcad ee Sh/dhexe.
Halkan Ka Degso Bayaanka Taliska.
Ama Hoos Ka Akhriso Bayaanka.