Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala dhulka (NFD) waxay howlgal culus oo qarax ah ka fuliyeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, taasi oo ku taalla deegaanka Ceel-raamo ee hoostagta degmada Ceel-qaalow ee gobalka Mandheera.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus waxay xaqiijiyeen in howlgalkaasi Khasaaraha hordhaca ah lagu dhaawacay 6 askari oo ka tirsan kuffaarta Kenya.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha degmada Beledxaawo ee ka tirsan gobolka Gedo, ayay la beegsadeen bar control oo maleeshiyaadka Riddada ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi, gaar ahaan dhinaca xigta magaalada Mandheera, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan maleeshiyada Riddada, kaasi oo dhaawiciisa yahay garaab.
Sidoo kale ciidamaada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar abaabulan oo dagaal toos ah ku qaadeen xerada baraxow ee maleeshiyaadka murtadiintu ku leeyihiin degmada baardheere,ee gobolka Gedo.