Waxaa maanta gabi ahaanba xiran suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha iyo suuqyada kale ee kuyaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, markii kooxda Riddada Soomaaliya ay kordhisay lacagaha baadda ah ee ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed ee magaalo madaxda ku dhaqan.
Go’aankii ay qaateen ganacsatada ka howlgala gobolka Banaadir ee ay ku diideen lacagaha baadda ah ee ay dul-dhigtay dowladda Riddada ah, ayaa ka dhaqan galay magaalada, kaasi oo durba maanta si wayn looga dareemay suuqyada caasimadda, muuqaallo iyo sawirro laga qaaday suuqyada caasimadda ugu wayn ayaa muujinaya goobaha ganacsiga oo haawanaya.
Nooca cusub ee baadda Riddada, ayaa dhigaya in qof waliba oo wax ka iibsanaya Muqdisho ay ka go’ayso %5, taasi oo keentay inay diidmo xooggan ka muujiyaan ganacsatadu, iyadoo ay xusid mudan tahay inay ganacsatadu sidoo kale joojiyeen dhaqdhaqaaqa dekadda Muqdisho oo maanta hakad ku jira, waxayna sheegeen in dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaaladaasi, uu sidan sii ahaan doono ilaa inta kooxda Riddadu boobka dhaqaale ka laabanayso.
Kooxda Xasan murtad oo dareentay culayska go’aanka ganacsatada, ayaa xabsiga dhigtay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir, kuwaasi oo la sheegay inay kaxaysteen maleeshiyaad ka tirsan hayadda sirdoonka Riddada ee NISA.
Kooxda Riddada oo ka jawaabaysa qalqalka ganacsi ee ay ka abuurtay caasimadda, ayaa waxay saaka ka hadal siisay ninka ugu magacaaban wasaaradda maaliyadda, murtad Biixi Iimaan, kaasi oo isagoo uu qalqal iyo isku dhex yaac ka muuqdo lasoo hor joojiyay warbaahinta, isagoo sheegay in kaliya dowladdiisu lacagaha ka goosan doonto qofka wax ka iibsanaya caasimadda, balse aysan u dan lahayn lacagaha kale ee taleefannada gacanta ku jira.
Kooxda Riddada ah, ayaa amar ku siisay maleeshiyaadkeeda inay qasab ku furaan goobaha ganacsi ee suuqyada magaalada Muqdisho, kuwaas oo shaqo joojin looga dhawaaqay, kaddib lacagaha baadda ah ee Riddada.
Wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, ayaa sheegay in saaka laga hor istaagay inay soo tabiyaan xaaladda suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha, maleeshiyaadka sirdoonka Riddada ee (NISA) loogu yeero, ayaana lagu soo daadiyay suuqa, kuwaas oo warbaahinta ka hor istaagay inay tabiyaan xirnaanshaha suuqa, sidoo kalena loo xil saaray inay qasab ku furaan xarumaha ganacsi ee magaalada.
Ganacsatada ka howlgala magaalada, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inaysan furi doonin goobahooda ganacsiga, awoodinna bixinta lacagaha tira beelka ah ee ay dul-dhigtay dowladda Riddada, kuwaas oo uu ugu dambeeyay go’aankii qofka wax iibsanaya ay dowladda Riddada ku goosanayso boqolkiiba 5.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay go’aanka wadajirka ah ee ay qaateen ganacsatada caasimadda.
Arinta dabka kusii shiday kacdoonka ganacsatada ayaa ah hadal uu xalay jeediyay Xasan murtad, kaasi oo uu ugu goodiyay dadka ganacsatada ah, kuwaas oo ka biya diiday lacagaha baadda ah ee ay soo kordhisay dowladdiisa, wuxuuna ganacsatada ku tilmaamay kuwa fowdo iyo qas u joog ah.
Dhanka kale mar uu murtad Gurguurte ka hadlayay halka lacagahan baadda ah ay gaynayaan maadaama dadka ku dhaqan caasimadda waddanka ay sheegeen inaan wax adeegyo bulsho ah loogu qaban, waddooyinka Muqdishana ay noqdeen balliyo biyo fariisad ah, nadaafad darradana ay astaan u noqotay magaalo madaxda dalka, ayaa sheegay in dowladdiisu lacagahaasi baadda ku kaabayso maleeshiyaadkeeda Riddada ah ee furimaha dagaalka ku dacdarraysan ee baahiyuhu dilloodeen, loona haynin wax dhaqaale ah, Gurguurte ayaa dhanka kale xaqiijiyay in askar looga dilay howlgal barakaysan oo qarax ah oo shalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee Muqdisho, laguna beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ilaa iyo 40 askari, 15 askarina goobta looga dilay, halka tiro intaasi ka badanna Allaah fadligiis qaraxa looga dhaawacay.
Ugu dambayn waxaa maanta socdo abaabulan xooggan oo ganacsatadu ugu jiraan inay ku sameeyeen isku soo baxyo ay kaga soo horjeedaan lacagaha baadda ah ee ay soo rogtay dowladda Riddada.