Dowladda Riddada ee Masar ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ku fuliyeen gudaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo kor u dhaafayay 40 askari.
Bayaan saacado ka hor kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee xukuumadda Riddada Al-qaahira ayay ku sheegtay inay ku cambaareynayso howlgalka ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen goob isku imaatin ah oo maleeshiyaadka Riddadu ay kaga sugnaayeen degmada Dayniile, halkaas oo Allah fadligiis lagu dilay 15 murtadiin ah, halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.
Warka kasoo baxay dowladdan Riddada ah, ayaa kusoo beegmaya xilli khudbad uu saacadihii lasoo dhaafay jeediyay murtad Xassan Gurguurte oo ah madaxa kooxda Riddada Soomaaliya uu ku qirtay in askar looga dilay howlgalkan qaraxa ah oo lagu beegsaday inka badan 40 askari oo maleeshiyadiisa ka tirsan.