Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsa mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, ayaa weerar culus oo habeen dheelmad ah ku qaaday mid ka mid ah saldhigyada millatari ee saliibiyiinta Yugaandha ay kaga suganyihiin gobolkaasi.
Weerarka oo ahaa mid abaabulan ayay ciidamada mujaahidiintu ku mireen saldhigga ciidamada kuffaarta Yugaandha ee degmada Jannaale, waxaana xusid mudan in weerarkan intii uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Baay, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar ku mireen saldhig ciidan oo askar ka tirsan Riddada ay kaga suganyihiin halka loo yaqaan Maaya-fuulka oo ka tirsan magaalada Baydhaba.
Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Gedo weerar kamiin ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo gurmad usoo sameysay maleeshiyo kale oo laba kamiin loogu dhigay inta u dhexeysa Doolow iyo Luuq ee ka tirsan isla gobolka Gedo, waxaana kamiinkan saddexaad lagu dhaawacay 1 askari oo murtad ah.