Mu’assasada Shaamu Ribaad ee ku hadasha afka Jamaacada Xurraasudiin ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya, ayaa baahisay bayaan taczi ah oo xaqiijinaya in dalka Suuriya dhawaan Maraykanku ku diley hogaamiye sare oo katirsan Jamaacada.
“ Quluub Mu’minad ah oo raalli ku ah qadaha Allaah iyo qadartiisa, ayaanu kula kulannay warka la xiriira istish-haadka sheekha ah caalimka, zaahidka, mujaahidka iyo saabirka ee Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky- Raximahullaah. Warkan wuxuu ahaa mid nagu culus oo qaraar ah, laakiin waxaa culeeska naga yareeyay waa in sheekhu gaaray wixii uu tobansaanlayaal badan u xusul duubayay, isagoo ah daaci, muslix iyo mujaahid. Faraskiisuna kama degin sheekha illaa inuu raaco mooye kolonyada Shuhadada, Anbiyada iyo Saalixiinta. Allaah wuxuu yiri: “ ayaa ugu horeyn lagu yiri bayaan.
Bayaanka ay baahisay mu’assasasada Shaamu-Ribaad oo sii socda, ayaa waxaa lagu yiri: “ Wuxuu sheekhu tagay, kadib markii isaga, walaalihiisa iyo ciidamada Islaamka ay gaalada dhadhansiiyeen qeyb kamid ah waxay gaarsiiyeen muslimiinta ee isuga jira dil, barakicin iyo jab, waxaana ay kamid ahaayeen sheekha iyo ragiisaba ciidanka Alle ee sahanka u ah fatxiga, wuxuuna ka dhigay madax iyo hogaan dadka ku hogaaminaya difaaca Islaamka iyo ehelkiisa, waqti ay weliba yaraadeen dadka u gargaaraya diinta Islaamka”.
Maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay, ayay ahayd markii diyaarad dron ah oo ay leedahay dowladda Maraykanka ay duqeyn diyaaradeed ka fulisay qeybo kamid ah gobolka Idlib, taasoo ay ku beegsatay sheikh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makkay, oo ahaa hogaamiye muhaajir ah oo ka yimid dhulka Xarameynka gaar ahaan magaalada Makkah, tobankii sano ee lasoo dhaafeyna qeyb ka ahaa halganka ay ku jiraan muslimiinta Shaam.
Taliska ciidamada Maraykanka ee mandiqadda loogu yeero Bariga-dhexe, ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegtay masuuliyadda dilka sheikh Abii Cabdi-Raxmaan Al-Makky, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa hogaamiye firfircoon oo ku howlanaa weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka ee mandiqadda.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.