Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa sare u qaaday xadgudubyada dagaal iyo xasuuqyada uu ka gaysanayo marinka Gaza, isagoo duqaymihii ugu dambeeyay ee maanta dhacay ku dilay inka badan 40 oo rayid ah.
Wararka ka imaanaya marinka Gaza ayaa sheegaya in duqayn ciidamada Yahuuddu ka gaysteen mandiqadda Ardi al-shandhi oo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan marinka ay ku shahiideen laba xubnood oo shacab Falastiiniyiin ah, halka 30 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, Yahuudda ayaana duqayntaasi ku beegsaday kuliyadda Namaa ee mandiqaddaas kutaal.
Dadka rayidka ah ee duqaymaha maanta ka dhacay marinka Gaza ku shahiiday oo 43 xubnood ah waxaa ka mid ah nin Falastiini ah oo beeraley ah, kaasoo Yahuuddu ay ku duqeysay dhul beereed kuyaal magaalada Baytu Laahiya ee dhaca waqooyiga Marinka Gaza.
Dhanka kale, howlgal qanaas ah oo ay fuliyeen kooxaha wax iska caabinta Falastiin oo ka dhacay xaafadda Zaytuun ee koonfur bari marinka Gaza, ayaa lagu toogtay laba askari oo sahaayino ah, sida ay soo bandhigeen kooxaha muqaawamada.