Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay weerar qorsheysan oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo baxay magaalada Baydhaba kuna sii jeeday dhanka deegaanka Goof-gaduud Buurey.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta waxay Al-andalus u xaqiijiyeen in weerarka dhabbagalka ah Allaah fadligiis lagu dilay laba murtadiin ah oo kala ahaa sarkaal iyo askari lagu kala magacaabi jiray Saciid Maxamed Nuur Geedi oo ahaa sarkaal Abaanduule ah iyo Buraale Mad Kuus, kaasi oo isagana askari ahaa.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay sidoo kale sarkaalka iyo askarigaan murtadka ah ee ay khaarajiyeen ka qaniimeysteen laba qori oo AK47 ah iyo booshashkooda.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen saldhigga murtadiinta ee xaafadda Jiira-garoob ee magaalada Baydhaba, waxay sidoo kale mujaahidiintu dagaal toos ah ku mireen xerada murtadiinta Iidow Dhigaal ee isla magaalada Baydhaba.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Waajid, lama soo werin \xog ku aaddan weerarkaasi, maadaama uu dhacay xilli habeen ah.