Booliska Kenya ayaa warbixin tirakoob ah oo uu soo saaray ku faahfaahiyay shilalkii gaadiidka ee dhacay sannadkan iyo khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay.
Waaxda NPS oo hoostagta booliska Kenya ayaa sheegtay inay diiwaan gelisay intii u dhaxaysay January ilaa 16-ka bishan September dhimashada 3,369 xubnood, kuwaas oo ku nafwaayay shilalkii gaadiidka ee dhacay 9-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Tirakoobka cusub ayaa muujinayaa in tirada ugu badan ee dhimashada la diiwaan geliyay ay ahaayeen dad lugeynaya, kuwaas oo wadarta ka dhimatay tahay 1,281, wadeyaasha mootada ayaa ku xigay dadka ugu badan, kuwaas oo ay ku dhinteen 802, halka rakaabka dhintayna lagu sheegay 654 qof, wadayaasha baaskiillada 56 qof oo dhimasho ah ayaa laga diiwaan geliyay halka 284 darawal oo ah wadeyaasha gaadiidka na dhimashadooda lagu xusay warbixintan.
Tirakoobka uu soo saaray booliska Kenya ee ku aaddan dadka ku dhintay shilalka gaadiidka ee sanadkan ayaa ka badan warbixin sannadeedkii lasoo saaray 2023-kii, kolkaas oo la diiwaan geliyay dhimashada 3,151 xubnood, waxaana sannadkan ku kordhay 218 qof.