Makxmadda maamulka wilaayada islaamiga ah ee Baay ayaa xukun xaddu Riddo dil ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta, kuwaas oo ay gacanta kusoo dhigeen mujaahidiinta iyaga oo dhuumaaleysanaya.
Xubnahan murtadiinta ah oo xaddu Riddaha lagula fuliyay fagaare kuyaal degmada Buulo-fulaay ee wilaayada islaamiga ah ee Baay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xassan Guduudow Isaaq oo (31) sano jir ah iyo Aadan Kaalmow Ibraahim oo isagana (24) jir ah, ciidamada mujaahidiinta ayaana gacanta kusoo dhigay iyaga oo kusii jeeda Muqdisho.
Xubnahan waxay maxkamadda islaamiga ah ka hor qirteen inay ahaayeen maleeshiyo murtadiin ah oo dagaal kula jiray diinta islaamka iyo dadka muslimiinta, kana soo howlgaleen degmooyin iyo deegaanno kala duwan, boqollaal muslimiin ah ayaana goob joog u ahaa fulinta xadkaasi oo ka mid ah xuduudda Allaah.