Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaacka Riddada ayaa maanta ka dhacay Lakta deegaanka Buulo-xaaji ee hoostaga magaalada Kismaayo, halkaas oo Riddada looga dilay laba askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay shan askari oo kale.
Dhanka kale, faahfaahinno ayaa kasoo baxay qaraxyo maalin ka hor kolonyo ciidamo saliibiyiin ah lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaannada Danow iyo Shalaambood, dhimashadu waa saddex askari oo ka tirsanaa kuffaarta Afrikaanta, halka dhaawacana uu yahay shan kale.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu kammiin u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay afaafka hore ee degmada Owdheegle, khasaare murtadiinta soo gaaray ayaa jira sida la xaqiijiyay.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ah oo qorsheysan la beegsadeen isbaarada maleeshiyaadka Riddada ee Buundada weyn ee magaalada Beledweyne, askari murtad ah ayaana ku dhaawacmay.