Dhalinyaro Falastiiniyiin ah ayaa caawa howlgal fariid ah ka fuliyay gudaha xarunta maamulka gumeystaha Yahuudda ee Tal’abiib, halkaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray sahaayinada.
Wargeyska Israel Today ayaa sheegay in weerarka koowaad oo ka dhacay Yaafa oo dhacda xeebaha Falastiin ee gumeysiga Yahuudda ku hoos jira ay ku dhinteen ugu yaraan 8 xubnood, halka ilo kalena ay sheegeen in lix qof ay ku jiraan xaalad halis ah.
Sidoo kale waxay warbaahinta gumeystuhu sheegtay in 10 qof la dhaawacay, oo 6 ka mid ahna ku jiraan xaalad halis ah kaddib weerar ka dhacay Tal’abiib oo xarunta uu ku shaqeeyo maamulka gumeystaha Yahuudda, dhaawacyada waxaa aad u liita 4 qof sida ay Yahuuddu xaqiijinayso.
Dhanka kale, dowladda shiicada Iiran ayaa caawa inka badan 250 saaruuq oo nooca ballistic ku qaaday magaalada Tal’abiib ee Yahuuddu gumeysato, khasaare in uu jiro ayaa lasoo sheegay, muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa muujinayay in xaaladdu kacsan tahay.