Saraakiil ka tirsan ciidamada gaarka ah ee maamulka Yuhuudda ayaa lagu dilay weerar culus oo ay kala kulmeen ururka shiicada ee lamagac baxay “Xizbullah”, halkaas oo sidoo kale dhaawacyo ay ku noqdeen inka badan 30 xubnood.
Weerarkan oo ka dhacay Koonfurta Lubnaan ayaa dhaliyay dhimashada 8 sarkaal, halka tirada dhaawacyadana ay kor u dhaafeen 35 kale.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidanka sahaayinda Yahuudda, ayay ku qirteen saraakiisha lagu dilay dagaalladii ka dhacay koonfurta Lubnaan, waxaana ka mid ahaa 3 sarkaal oo darajadoodu ahayd Gaashaanle iyo labo kale oo darajada Kabtan ah.
Dhinaca kale waxay dagaallo goos goos ah iyo duqeymo ka socdaan xad beenaadka u dhexeeya Lubnaan iyo dhulka ay Yuhuuddu xooga ku heysto.