Waxaa haybtooda la xaqiijiyey tahriibayaal ku dhintay Labo doonyood oo dhawaan ku degey xeebaha badda cas gaar ahaan xeebta Jabuuti.
Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti ayaa xaqiijisay in tahriibayaashii ku dhintay labadii doonyood ee bilawgii bishan ku degay xeebta Jabuuti oo tiradoodu dhan yihiin 48 qof ay dhammaantood ahaayeen Itoobiyaan.
War-saxaafadeed ay safaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in hannaanka xaqiijinta goobta uu shilku ka dhacay uu muujinayo in dhammaanba tahriibayaasha ku dhintay ahaayeen Itoobiyaan.
Sidoo kale safaaraddu waxay sheegtay in shilkaasi ay ka badbaadeen dad gaadhaya 197 qof, kuwaas oo la geeyey xerada qaxootiga ee Obokh ee dalka Jabuuti.
Safaaraddu waxay sheegtay inay aad uga murugaysan tahay dadka ku dhintay shilkaasi. Waxayna intaa raacisay in la tahriibeyaal kale oo gaadhaya 75 qof weli la la’yahay, baadi-goobkooduna uu socdo.