Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyo murtadiin ah oo kutaal deegaanka Shalambood.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi qorsheysan ee qaraxa ah lagu dilay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa murtadiinta, waxaa sidoo kale lagu dhaawacmay saddex kale oo murtadiin ah.
Howlgalkan qaraxa ah ayaa qayb ka ah howlgallo barakaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay wilaayaadka Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu dilay askar iyo saraakiil badan oo murtadiin ah.