Wararka ka imaanaya wilaayada islaamiga jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya waxay sheegayaan in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji ee hoostaga magaalada Kismaayo.
Dagaalka markii muddo kooban uu socday ayey maleeshiyaadka murtadiinta inta bad baaday bilaabeen iney deegaanka isaga cararaan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo Al-andalus la hadlay waxay xaqiijiyeen in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo mid dhaawac ah oo dagaalkaasi lagu gaarsiiyay maleeshiyada murtadiinta.
Ciidamada mujaahidiintu waxay xabsiga kasii daayeen maxabiis ku xirnayd xabsiga Buulo-xaaji, waxayna mujaahidiintu maxaabiistaas usoo kaxeeyeen deegaanada amniga ah ee lagu maamulo shareecada Islaamka.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey gabi ahaan burburiyeen saldhiggii maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Buulo Xaaji.