Xog faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ku garaaceen Airport-ka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya.
Saraakiisha ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay xaqiijiyeen in weerarkaasi madaafiicda ah Allaah fadligiis lagu dilay 3 askari oo Itoobiyaan ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 1 kale oo murtad ah.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta xabashida ee degmada Diinsoor, sidoo kale waxay weeraro ku ekeeyeen xerada murtadiinta kaga suganyihiin deegaanka Goofgaduud-buurey iyo xerada ciidanka Kuffaarta Xabashida iyo saldhiga murtadiinta ee deegaanka Awdiinle.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu weerareen saldhiga murtadiinta ee Buundada yar ee degmada Afgooye iyo sidoo kale saldhiga murtadiinta ee buundada deegaanka Sabiid.