Saraakiil caafimaad oo ka tirsan dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu dhintay, halka tobannaan kalena ay ku sumoobeen qaybo ka mid ah dalka Mareykanka, ka dib markii ay qaadeen bakteeriyo ka dhalatay cunista cuntooyinka laga cuno maqaayadaha loo yaqaan McDonald’s ee ku caan baxday taageerada ciidanka gumeystaha Yahuudda.
Dadka ku sumoobay cuntadaasi ayay saraakiishu sheegeen inay ku baahsan yihiin ilaa 10 gobol oo kuyaal galbeedka Mareykanka, balse bukaannada ugu badan ayaa lasoo wariyay inay ku suganyihiin gobollada Colorado iyo Nebraska.
Shirkadda Yahuud jacaylka ku caanbaxday ee McDonald’s ee sameysa cuntooyinka fudud ayaa qiimaheeda uu hoos u dhacay in ka badan 8%, ka dib markii Suuqyada New York ay kasoo xirmeen.
Tirada dadka la xanuunsan bakteeriyada ay ka qaadeen cuntada shirkaddan ayaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 49, kuwaas oo 10 ka mid ah la dhigay cisbitaalka si ay u helaan daaweyn, halka hal qof oo waayeel ah oo ku sugan gobolka Colorado na la xaqiijiyay dhimashadiisa.
Shirkadda madow ayaa lagu xasuustaa sida ay qaybta uga ahayd dulmiga iyo dilka ka dhanka ah dadka muslimiinta ee reer Gaza, waana shirkaddii cuntooyinka fudud ku taageertay ciidamada gumeystaha Yahuudda ee duullaanka dhanka dhulka ah ku galay marinka Gaza, balse qaadacaad ay muslimiintu sameeyeen saacado kooban ayay shirkaddan ku qasaartay $7 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.