Xasuuq-wadareed daran oo ay gaysteen maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah ee Suudaan ee ay taageerto dowladda Riddada Imaaraadka Carabta, ayaa laga soo calaamadiyay tuulo dhacda gobolka Jaziira.
Shabakadda Aljazeera ayaa heshay muuqaallo deegaanka ah, kuwaas oo muujinaya maydadka ugu yaraan 124 qof oo rayid muslimiin ah, kuwaas oo ay si bareer ah u dileen maleeshiyo ka tirsan murtazaqada Imaaraadka ee Dacmu-sariic loogu yeero.
Xasuuqaan cusub oo si gaar ah kaga dhacay tuulada Al-sarixa ee ka tirsan gobolka Jaziira ee bartamaha wadanka Suudaan, ayay sidoo kale murtazaqada Imaaraadku dhaawacyo ugu gaysteen ku dhawaad 200 oo kale oo rayid ah.
Muuqaallada lasoo bandhigay oo ahaa kuwa aan la daawan karin ayaa muujinayay naxariis darada maleeshiyada iyo maydadka dadka shacabka ah oo bilqan hal goob, maleeshiyada RSF ee Imaaraadku dacmiyo ayaa caan ku ah xasuuqyada ka dhanka ah dadka muslimiinta ah ee Suudaan ku dhaqan.
Xasuuq wadareedkan lagula kacay dadka shacabka ah ayaa lasoo wariyay inay ka qayb qaateen maleeshiyo ka tirsan fallaagada RSF ee Imaaraadka hoostaga, waxay na kusoo beegmayaan xilli maleeshiyadan wajahayaan guuldarooyin isdaba joog ah.