Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa si rasmi ah u shaacisay inay sameysay tijaabadii ugu dambeysay ee gantaalkeeda riddada dheer, kaasi oo ay u aragto in uu yahay mid dhammeystiran uguna awoodda badan caalamka.
Kuuriyada Waqooyi, milatariga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa si isku mid ah u sheegay in Kim oo ah hogaamiyaha waddankaasi uu goob joog u ahaa tijaabada gantaalka lagu magacaabo Hwasong-19, kaas oo duulaayay masaafo dheer, kana sarreeyay gantaaladii hore loo tijaabiyay.
KCNA oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabada uu sameeyay gantaalkan si wayn ku tilmaantay midka ugu xoogga badan dunida, Kim ayaa isagana sheegay in uu ku qanacsan yahay guusha wayn ee ay xaqiijiyeen ciidankiisa gantaallada.
Gantaalladan casriga ah ee la sheegay inay adag tahay in la ogaado lana burburiyo, ayaa ka mid ah ahdaafta caskariga ee Kim ku taamayay muddo dheer, waxaana uu tijaabadan ku tilmaamay inay tahay ficil ciidan oo ku habboon, oo fariin u diraya kuwa lidka ku ah waddankiisa.