Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo isugu jira duqeyn iyo dagaal toos ah oo ciidamada mujaahiidintu ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Buulo Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan qorsheysan waxaa Allaah fadligiis murtadiinta looga dilay hal askari, halka dhaawacyo ay ku noqdeen siddeed kale oo murtadiin ah, hub ayay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu kusoo qaniimeysteen weerarka.
Dhanka NFF, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo Kufaarta Kenya ka tirsan, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Carabiya iyo Mandheera oo ka wada tirsan gobolka Mandheera dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyadda Kenya.
Gubashada waa gaari Kooyal ah, sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah oo soo gaaray ciidamada saliibiyiinta Kenya, waana mid ka mida howlgallada qorsheysan ee lala beegsado kuffaarta Kenya.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen guri ay xaafada Luga Bixis ee magaalada Baydhaboa ka daganyihiin maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana jirta khasaare kala duwan oo murtadiinta gaaray.