Ciidamada gumeystaha Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee saaka duullaan ballaaran ku galay magaalooyinka Jiniin iyo Salfit ee dhaca Daanta galbeed ee ku hoosjirta gumeysiga sahaayinada, halkaas oo ay ku shahiideen dad Falastiiniyiin ah.
Wakaaladda Wafa ee Falastiiniyiintu leeyihiin oo soo xiganaysa ilo wareed xog ogaal ah ayaa xaqiijisay in ciidamada gumeystuhu xoog ku galeen magaalada Jiniin ee waqooyiga daanta galbeed dhacda, halkaas na ay kala kulmeen iska caabin adag oo ay sameeyeen kooxaha muqaawamada.
Waxay sidoo kale ciidamada gumeystuhu weerar ballaaran ku ekeeyeen Salfit oo ah magaalo dhacda bartamaha daanta galbeed, waxaa halkaas ka dhacay qaraxyo waawayn oo ay adeegsanayeen Sahaayinada, ku beegsadeen dadka rayidka ah.
Duullaanka cusub ee ciidamada Yahuuddu kusoo qaadeen magaalooyinkas oo soo billowday Taladaadadii ayaa waxaa ku shahiiday ugu yaraan xubnood oo Falasitiiniyiin ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan daanta.
Dhanka kale ciidamada sahaayinadu waxay burburin ka sameeyeen 8 guri oo falastiiniyiintu leeyihiin oo ku yaala xaafadda Silwan ee magaalada Qudus ee ku hoos jirta gumeysiga maamulka Netanyahu.