Taliska ciidanka maamulka sahaayinada ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in shan askari looga dilay 16 kalena looga dhaawacay dagaallo culus oo lagula galay koonfurta Lubnaan.
Taliska ciidanka gumeystaha ayaa sheegay in dagaalladii 24-kii saac ee lasoo dhaafay dhacay ay kaga dhaawacmeen iaa 10 askari oo 8 kamid ah ay kaga dhaawacmeen dagaallada Lubnaan, halka 2 kamid ahna kaga dhaawacmeen Gaza.
Waxay intaas ku dareen in dagaalladii cuslaa ee dhacay ay sidoo kale kaga dhaawacmeen 21 askari, kuwaas oo laga soo xaqiijiyay gudaha Gaza iyo sidoo kale koonfurta Lubnaan.