Inta la hubiyay ugu yaraan laba askari oo ka tirsanaa dowladda Riddada ee Suduuciga ayaa lagu dilay halka saddex askari oo kalena la dhaawacay, kadib markii uu askari ka tirsan ciidanka Riddada Yemen toogasho ka gaystay qaybo ka mid gobolka Xadramowt ee dhaca bariga Yemen.
Ilo wareedyo millateri, ayaa soo sheegay in labada askari Sucuudiyaanka ah ee la dilay ay ka tirsanaayeen ciidammada Isbahaysiga Carabta ee Sucuudigu hoggaaminayo, labadan askari ee la dilay iyo saddexda kale ee dhaawacyada qaba, waxaa la soo wariyay in u rasaas ku furay askari ka tirsan ciidammada Millateriga Yemen ee fadhigoodu yahay magaalada Say’uun oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Xadramowt ee dhacda bariga waddankaasi.
Dhacdadan ayay ilo wareedyada dhanka ciidanka ah soo sheegeen inay ku billaabatay muran gudaha xarunta taliska 1-aad ee magaalada Say’uun ku dhexmaray askariga Yemeniga iyo askarta kale ee ka tirsan nidaamka Aala-sucuud, kaas oo markii dambe isku beddelay in rassaas la is waydaarsado, dil iyo dhaawacna loo gaysto askarta Sucuudiga.