Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin maanta ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa ceelka deegaanka Buulo-xaaji ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose.
Weerarkaan barakaysan ayaa Allah fadligiis sidii loogu talagalay u beegsaday maleeshiyo murradiin ah oo biyo ka dhaansanayay ceelka deegaanka Buulo-xaaji, waxaana goobta dagaalka looga dilay lix murtad oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiil ciidan, halka looga dhaawacay 10 kale.
Howlgalkan ayaa qayb ka ahaa weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ka kala fuliyeen wilaayaadka Baay iyo Sh/hoose, kuwaas oo ciidamada mujaahidiintu siyaabo kala duwan ugu beegsadeen ciidamada saliibiyiinta xabashida Itoobiya iyo maleeshiyada murtadiinta.