Xilli uu sii lixaadsaday khilaafka ka dhax oloolsan kooxda Riddada Somalia ayaa maamlihii lasoo dhaafay waxaa baraha kala duwan ee Internet-ka ku baahay muuqaallo fara badan oo ka yimid siyaasiyiin, kuwaas oo si toos ah iyo si dadbanba u mucaaradaya hoggaanka Riddada murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnahan siyaasiyiinta ah ee sida wayn u mucaaradsan waxaa ka mid ah murtad Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, kaasi banaanka keenay arimo badan oo ka dhan ah Gurguurte.
Dhanka kale waxaa maanta galinkii dambe baraha Soomaalidu kuwada xiriirto ku faafay hadal uu jeediyey madixii hore ee kooxda Riddada murtad Shariif Axmed, isagoona dhaleeceymo kala duwan u jeediyey hoggaamiyaha Villa Soomaaliya.
Wuxuu ninkan soo hadal qaaday inta uu hadlayey arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorasho qof iyo cod ah oo uu murtad Xasan Maxamuud doonayo inuu hirgaliyo, balse ay kasoo horjeedaan inta badan siyaasiyiinta Riddada.
Waxaa sidoo kale Shariif Axmed uu soo hadal qaaday boobka madaxa kooxda Riddada uu kawado dalka, isagoo sheegay in hada shaki uu ku jiro in maalinka Xasan Sheekh xafiiska lagala wareegaayo loogu imaandoono wax lacag ah.
Murtad Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale mashruuca boobka Xasan Sheekh ku tilmaamay mid la mid ah, kuwii hore ee uu waday, waxna uusan ka duwaneyn.