Dagaalo culus oo u dhaxeeya kooxaha hubeysan ee Amxaarada iyo kuwa cidanka saliibiga itoobiya ayaa saacidihii lasoo dhaafay ka socday deegaanada Metema iyo Armachiho ee hoostaga Gobolka Amxaarada.
Sida Laga soo wariyay warbaahinta ku hadasha afka amxaarada dagaaladii sacadihii u dambeeyay dhacay ay sidoo kale ka dhaceen hareeraha magaalada Ankober oo in ka yar 100 – KM u jirta magaalada Madaxda dalka itoobiya ee Addisa ababa. Iyadoo kooxada Fano ay sheegatay inay qarka u saarantahay ina la wareegto magaaladaas oo mar ahayd magaala madaxdi Boqorkii xabashida ee Minilik.
Wali wax war ah kama uusan soo bixin dowlada Saliibiga ah ee itoobiya oo ku saabsan dagaalladan sacadihii lasoo dhafay ka socday degaana ka tirsan gobolka amxaarada. Walina lama oga qasaaraha ka dhashay daagalladan.