Howlgal qorshaysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen waddada isku xirta degmooyinka Wallanweyn iyo Afgooye ee Sh/hoose, ayay kusoo qabteen sarkaal murtad ah oo taliya ka ahaa isbaaro murtadiinta u taalay waddadaas.
Murtadka lasoo qabtay oo ka tirsanaa millatariga murtadiinta, taliye ciidana u ahaa maleeshiyataka Isbaarada joogay ayaa lagu magacaabaa Saneey Barre, Waxa uu sidoo kale sarlaalkan murtadka ah uu qeyb ka ahaa maleeshiyaadka Riddada ee sanad ka hor duullaanka ku qaaday deegaano ka tirsan Shabeelada dhexe.
Sarkaalkan nolasha lagu qabtay ayaa qiray in muddadii 48-saac ee u dambeysay gaadiidka safarka ah ka dhaceen lacag dhan 15-kun oo doollarka Mareykanka ah.
Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in toddobadii maalmood ee u dambeysay ay gaadiidka safarka ah kala dageen, islamarkaana kufsadeen ilaa 11 haween ah oo ka mid ah haweenka Muslimaadka ee ku safra waddadaas.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saaka kamiin culus u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka deegaanka War-gaduudo ee dhaca degmada Ceelqaalow.
Inta la xaqiijiyay 3 askari oo saliibiyiin Kenyaan ah ayaa weerarka lagu dulay halka laba kalena lagu dhaawacay, gaari Kooyal ah oo qori Dhashiika ah saaranyahay ayaa sidoo kale weerarkan dhabba-galka ah lagu gubay.