Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay weerar culus oo dagaal toos ah ku qaadeen sakdhigga ciidanka Kuffaarta Kenya ay ka degganyihiin deegaanka Alluunga ee hoostaga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera.
Saldhiggan waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waana mid ah weerarada ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dhiigbixinayaan saliibiyiinta Kenya ee dhibaatada xooggan ku haya dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolkaasi NFD.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan oo dagaal toos ah ku ekeeyeen xero koowaad oo kutaal degmada Luuq ee wilaayada, halkaass oo ay ku suganyihiin maleeshiyo Riddada ka tirsan.