Wararka ka imaanaya dalka Isku tagga imaaraadka carabta, ayaa sheegaya in gudaha dalkaas laga helay maydka baadari Yahuudi ah, kaasi oo la waayay khamiistii lasoo dhaafay, sida uu sheegay maamulka Sahaayinada.
War rasmi ah oo kasoo baxay wazaaradda arrimaha debadda maamulka uu fadhigiisu yahay Tal’abiib iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha sahaayinda Binyamin Netanyahu, ayaa lagu xaqiijiyay in la helay maydka baadarigaas, waxayna ku tilmaameen dhacdadaasi fal argagaxiso.
Bayaanka waxaa nuqul ka mid ah lagu yiri“Sirdoonka iyo ciidanka ammaanka ee Imaaraadku waxay heleen maydka Tifsi Koogaan, kaasi oo la la’aa tan iyo Khamiista”.
Warsaxaafadeedka sida wadajirka ah uga soo baxay Binyamin Netanyahu iyo wasaaradiisa arrimaha dibadda ayaa ku tilmaamay dilka baadariga inuu ahaa sida uu hadalka u dhigeen fal argagaxiso oo Yuhuud naceyb ah.
Madaxweynaha gumeystaha, Isaac Herzog ayaa dhankiisa dhacdadan laga soo tabiyay dalka Imaaraadka Carabta ku tilmaamay weerar naceyb ah oo Yuhuudda si gaar ah loogu beegsanayo, Imaaraadka ayuu faray inay si deg ah uga jawaabaan dhacdadaasi.
Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dowladda Imaaraadka, oo ku aadan dhacdada meydka baadariga Yahuudiga ah ee laga helay dalkeeda.