Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo maanta ciidamada mujaahidiintu ay ka fuliyeen duleedka degmada Ceel-waaq ee wilaayada Gedo, halkaas oo lagu qarxiyay gaari uu la socday murtad Cabaas Gurey oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
Howlgalkan qaraxa ah ee ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq waxaa lala beegsaday gaari nooca Saksiikta oo uu watay Cabaas Ibraahim Gurey, kaasoo ka mid ah saraakiisha maleeshiyada Riddada Jubbaland iyo saraakiil kale oo la socotay.
Taliyaha murtadka ah ee la beegsaday ayaa ka badbaaday howlgalka, balse waxaa qaraxaasi Allaah fadligiis ku dhaawacmay sarkaal u qaabilsanaa dhanka maaliyadda oo magaciisa lagu soo koobay Af-dawaco.