Kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan nidaamka Nuseyriga Suuriya iyo xulafadiisa, iyagoo la wareegay masaafo ballaran oo ka mid ah magaalada taariikhiga ah ee Xalab.
Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in maleeshiyaadka Al-Asad iyo xulafadooda Ruushka iyo Shiicada lagala wareegay ilaa 15 xaafad oo ka tirsan magaalada iyo sidoo kale saldhigyo ciidan.
Kooxaha mucaaradka ah ayaa sidookale gacanta ku dhigay xarunta gobolka iyo dagmada looga arimiyo iyo sidoo kale saldhiggii Booliska ee Xalab.
Xaafaha Galbeed kuwa bariga iyo bartamaha magaalada ayey si buuxda gacanta ugu dhigeen wax iska caabinta Sunniyiinta Suuriya.
Sidoo kale warar soo baxay barqadii maanta ayaa sheegayay in ay gacanta ku dhigeen garoonka diyaaradaha Abuu Duhuur oo ahaa garoon milatari.
Sidoo kale maalinkii 4-aad oo xiriir ah waxay mucaaradka Suuriya gacanta ku hayaan dariiqa M5 ee isku xira inta badan gobollada waddankaaasi oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Dimishqa.