Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Puntland, murtad Ilyaas Lugatoor ayaa eedaymo xooggan usoo jeediyay madaxda kooxda Riddada Soomaaliya.
Muratd Lugatoor oo ka hadlayay Garoowe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Riddada ah ee fadhigeedu yahay caasimada Muqdisho, ay weerarto maamul goboleed ka tirsan Riddada.
Wuxuu Lugatoor ku eedeeyay kooxda Riddadu inay meesha ka saartay oo ay laashay dastuurkii u degsanaa Riddada, maleeshiyaadka murtadiinta ahna ay u adeegsanayso dano siyaasadeed iyo inay ku weerarto maamul goboleed uu sheegay in uu qabsaday doorasho isaga u gaar ah, kaas oo ah maamulka uu hoggaankiisa sheegtay muratd Axmed Madoobe.
Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray in nidaamka Riddada ah uu qarka u saaran yahay in uu burburo.