Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay maanta weerar culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin degmada Afgooye.
Weerarka oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa lagu qaaday saldhigga murtadiinta ee xaafadda Haanta Dheer ee degmada Afgooye, waxaana Allaah fadligiis lagu dilay lix askari, kuwaas oo ay maleeshiyada murtadiintu maydadkooda kaga carareen gudaha saldhigga la weeraray, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu gubeen gaari nooca raaxada ah.
Saraakiissha ciidanka mujaahidiinta oo Al-andalus la hadlay ayaa sidoo kaler xaqiijiyay in ciidanka mujaahidiintu weerarkaan ku soo qaniimeysteen hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.