Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa kusoo gabagaboobay shir looga hadlayay xaaladda kala guurka ah ee isbahaysiga kuffaarta ATMIS, kaasi oo ay kasoo qayb galeen taliyeyaasha ciidamada dowladaha qaybta ka ah murtazaqada Kuffaarta Afrikaanta.
Shirkaasi oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada dowladda Riddada Jabuuti, dowladaha saliibiyiinta ee Kenya, Yugaandha iyo Burundi iyo saraakiil ka socotay urur gaaleedka midowga Africa, isbahaysiga kuffaarta Atmis, iyo masuuliyiin ka socotay xafiiska urur gaaleedka qaramada midoobay ee Muqdisho.
Dhinacyada ayaa shirkaas diiradda ku saaray qorshahooda kala guurka ee howlgalka ashahaada la dirirka ee Atmis, waxayna sidoo kale jeediyeen in taageero uu helo howlgalka cusub ee ay u bixiyeen AUSSOM.
Warmurtiyeedka kasoo baxay shirkaasi kuma xusnayn cidda qaadanaysa maalgelinta howlgalka cusub ee ashahaada la dirirka ah, waxayna kaliya soo jeediyeen in horumarin lagu sameeyay goobaha la dejin doono ciidanka qaybta ka ah isbahaysiga kuffaarta ah.
Saraakiisha shirkan isugu timid waxa ay beesha gaalada caalamka usoo jeediyeen inay taageerto qorshahooda cusub ee gumeysiga Soomaaliya, xilli gaalada caalamku wajahayo fuuq bax dhaqaale oo aad u daran, kuna furanyihiin furimo dagaal oo kala duwan.
20-ka bishii ina dhaaftay ayay ahayd markii ururka Midowga Yurub uu ku dhawaaqay in uusan sii wedi karin maalgelinta ciidamada Afrikaanta ah ee Soomaaliya ku sugan isagoona quus ka muujiyay howlgalka cusub ee la qorsheynayo.
Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ururka Midowga Yurub oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka dardaar weriyay mustaqbalka ciidamada afrikaanta ee ku sugan soomaaliya, isagoo sheegay in aan aragti midaysan laga laheyn sida uu noqonayo howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dowladaha ka qeyb qaadanayo iyo sidoo kale dhaqaalaha ku baxayo intaba.