Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rassaas ka dhacday magaalo madaxda Itoobiya ee Addis-ababa, taasi oo la sheegay inay fureen askar ka goosatay jabhadda Xoraynta Oromia oo ay caasimadda geysay dowladda uu ra’iisul wasaaraha ka yahay Abiy Axmed.
Maleeshiyaadkan oo ka mid ahaa garabyada jabhadda OLA ayaa la sheegay inay heshiis nabadeed la galeen dowladda Itoobiya, waxaana lagu daabulay magaalada Addis-ababa ee caasimadda ah, halkaas oo ay ka gaysteen qas iyo rabshado sida ay kusoo warameen dadka deegaanka.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in dhacdadaasi la diiwaan geliyay maalintii Axadda, waxayna gallaafatay nolasha haweeney rayid ah, maleeshiyadan ayaa sidoo kale la wariyay inay tuurayeen bamooyin, taasi oo argagax iyo kala carar ka abuurtay caasimadda Itoobiya.
Dhanka kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqeyn ay ka geysteen mandiqadda Gojjam ee ka tirsan ismaamulka Amhara waxaa lagu dilay askar ka tirsan ciidamada millatariga dowlada, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay deegaankaasi oo u dhaxeeyay Fano iyo ciidamada daacadda u ah Abiy Axmed.
Asres Mare, oo ah madaxa qeybta siyaasadda ee Goojam u qaabilsan Faano, ayaa sheegay in askartan ka tirsan dowladda xabashida, la duqeeyay xilli la siinayay cuno iyo qaxwo, halkaas na ay ku dhinteen.
Waxay duqayntan kusoo beegmaysaa xilli dowladda Itoobiya labadii bilood ee la soo dhaafay ay sii xoojisay weerarada diyaaradaha Drones-ka ah ee ay ka gaysanayso deegaano badan oo ka tirsan Ismaamulka Axmaarada, jabhadda Fano waxay sheegtay in maamulka Abiy Axmed xoojiyay duqeymaha dhanka cirka ah, gaad ahaan diyaaradaha Drones-ka, kuwaas oo yimid markii looga adkaaday dagaallada dhanka dhulka ah.