Maktabka warfaafinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, ayaa soo saaray warsaxaafadeed muhiim ah oo cinwaankiisu tahay Difaaca Diinta Iyo Dalku Waa Waajib Sharci ah, kaas oo looga hadlayay mowqifka mujaahidiinta ee ku aaddan hishiiskii xalay Itoobiya iyo Xassan Gurguurte ku gaareen Ankara.
Warsaxaafadeedka ayaa si adag loogu diiday heshiiska xaaraanta ah ee maamulka Riddada Xassan Gurguure iyo dowlada xabashidu ku saxiixdeen magaalada Ankara, kaasi oo ay soo abaabushay dawladda Riddada ah ee Turkiga, waxay sidoo kale xarakadu sheegyay in Xassan Gurguurte uu xabashida u oggolaaday inay qaadato qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyo inay ciidamadeeda gumeysi kusii joogaan waddanka.
Xarakadu waxay sheegtay in kooxda Riddada ee Xassan Gurguurte ay xabashidu u oggolaatay inay qaadato qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyo inay ciidamadeeda saliibiyiinta gumeysiga kusii joogaan waddanka.
Warsaxaafadeedka maktabka warfaafinta ee mujaahidiinta ayaa nuqul ka mid ah lagu yiri “Waxaan u caddaynaynaa ummada Soomaaliyeed, in heshiiska cadawgu ku kala saxiixday Ankara uusan waxba ka duwanayn midkii lagu saxiixay Addis Ababa ee dhexmaray Abiy Axmad iyo Muuse Biixi, hadafka uu Xassan Gurguurte heshiiskan ku xaqiijiyeyna uu yahay kaliya dooddii uu fagaarayaasha la taagnaa mudada sanadka ah ee ahayd in isaga la soo marsiiyo qandaraaska lagu bixinayo badda Soomaaliya”.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay markale ku celinaysaa go’aankeedii ahaa in aysan marnaba aqbali doonin heshiisyada xaaraanta ah ee ay maamullada riddadu u saxiixayaan dawladaha cadawga ah, gaar ahaan Xabashida Itoobiya oo hore gumaysi ugu haysatay dhul Soomaaliyeed, hadana usoo diyaar garoowday inay ku darsato inta dhiman oo ay badaheenu ku jiraan”.
Ugu dambayn waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ugu baaqday ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah inay fadhiga ka kacaan, kuna baraarugaan hagardaamooyinka uu cadawgoodu u maleegayo, si gaar aha waxay xarakadu dhalinyarada muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ugu baaqday inay kaalintooda qaataan, ayna guttaan waajibka sharciga ah ee ka saaran difaaca diintooda, dalkooda iyo dadkooda.
Halkan Ka Degso Bayaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Oo PDF Ah.
Ama Hoos Ka Akhriso Bayaanka.