Inta la hubiyay ugu yaraan lix qof oo Kenyaan ah ayaa dhintay, halka 26 kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kadxib markii shil gaari uu ka dhacay waddo kuyaal ismaamulka Norok ee Kenya.
Shilkan baabuur ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari bas oo iskuul iyo gaari nooca matatu-da oo ka howlgasha deegaanka Olonini oo ku yaalla waddada weyn ee Narok-Bomet, ee ka tirsan ismaamulka Narok.
Ciidamada booliisku waxay sheegeen in gaariga baska uu ka yimid dugsiga sare ee Mesabisabi, waxaana uu kusii jeeday Bomet, waxayna isku dhaceen gaariga kale ee mataatuuda loo yaqaan.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in aaggaasi ay ka jireenn roobab xooggan oo maalmihii lasoo dhaafay da’ayay, darawalka kaxeynayay gaariga baska ayaa la sheegay inuu dulmaray gaariga kale ee Mataatuuda.