Wararka ka imaanaya caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa sheegaya in Talaadada maanta qarax culus oo lagu qariyay mooto ku shaqeysa koronto lagu dilay sarkaal sare oo Ruush ah oo ka tirsan ciidamada ilaalinta hubka nukliyeerka ee Moscow.
Sarkaalkan oo lugu magacaabo Gaashaanlle Sare Igor Kirillov, oo ah taliyaha ciidamada Difaaca Nukliyeerka, Bayoolojiga iyo Kiimikada ee Ruushka, ayaa lagu dilay bannaanka dhisme dabaq ah oo ku yaalla waddada Ryazansky Prospekt ee magaalada Moscow.
“Igor Kirillov, madaxa ciidamada shucaaca, kiimikada iyo bayoolojiga ee ciidamada qalabka sida ee Federaalka Ruushka, iyo kaaliyihiisii ayaa la dilay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee reuters ku yiri saraakiisha dowladda.
Sawirro lagu daabacay kanaallada Telegram ee Ruushka ayaa muujiyay albaab dhisme ah oo burbursan iyo laba mayd oo halkaasi yaal, muuqaallo ay Reuters ka heshay goobta ayaa muujinayay goob boolisku isku gedaameen.
Ciidamada difaaca kiimikada iyo bayoolojiga ee Ruushka, oo loo yaqaan RKhBZ, waa ciidan khaas ah oo ka shaqeeya xaaladaha ay jiraan shucaac, sun kiimiko ah iyo halis bayooloji ah.
Isniintii shalay ayay ahayd markii xeer ilaaliyeyaasha Ukraine ay Kirillov kusoo oogeen isagoo aan dalkaasi joogin danbiyo ku saabsan adeegsiga hubka kiimikada ee mamnuuca ka ah gudaha dalka Ukraine, sida ay sheegtay hay’adda ammaanka ee Ukraine.
Ruushku wuxuu beeniyay eedeymahaas, bishii Oktoobar, dowladda Ingiriiska ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Kirillov iyo ciidamada ilaalinta nukliyeerka sababo la xiriira adeegsiga sunta dadka lagu kala eryo iyo warbixino dhowr ah oo ku saabsan isticmaalka maadada sunta neefta ku xannibta ee chloropicrin ee goobaha dagaalka.