Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay weerareen maleeshiyo murtadiin Liyuu Boolis ah oo dowladda Xabashida Itoobiya ay ku taageertay maamul gobaleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in maleeshiyadan ay ku sugnaayeen xerada murtadiinta ee deegaanka Buulo Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo, balse markii ay halkaasi ku kordheen weerarada mujaahidiinta ayay murtadiinta Liyuu Booliska billaabeen iney xerada isaga cararaan oo lug ku tagaan xad beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadibna ay halkaas ka sii aadaan dhulka Soomaali galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya.
Weerarka lagu beegsaday maleeshiyadan murtadiinta ah oo kamiin ahaa ayaa si gaara kaga dhacay agagaarka deegaanka Hoosingow, halkaas oo maleeshiyaadka Liyuu Booliska iyaga oo lugeynaya ay si dhuumaaleysi ah kusoo gaareen .
Dhimashada weerarkan qorsheysan ee kamiinka ah waa hal askari oo murtad ah, waxay ciidamada mujaahidiintu weerarkaasi kusoo qaniimeysteen hal qori oo Ak47 ah iyo booshkisia.