Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay xiranyihiin goobaha ganacsiga ee magaalada kaddib markii koxoda Ridada ay sii kordhisay cuuryaaminta ay ku hayso ganacsatada Soomaaliyeed.
Maalinkii saddaxaad ayay albabada ulaabanyihiin suuqda ugu waaweyn dalka sida Bakaaraha, Xamarwayne iyo Suuq-bacaad, ganacsatadu waxay sheegeen in aysan goobahooda ganacsiga furi doonin ilaa laga dul qaado lacagaha baadda ah ee ay kusoo rogtay kooxda Xassan Gurguurte.
Baaddan cusub ayaa dhigaysa in lacag dheeraad ah laga qaado alaabaha jumlada ah, iyo in sidoo kale lacag laga jaro akoonnada gaarka ah ee ganacsatada.
Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday suuqa Bakaaraha ayaa muujinayay iyada goobaha ganacsiga oo xiran iyo ganacsatada oo hor fadhiya.
Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa marba marka ka dnabeeya shacabka caasimadda ku tijaabanaysa qorshayaal lagu boobayo hantidooda, iyada ay intaas ay usii dheertahay canshuuro maalinle, bille iyo sanadle looga qaado.