Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Gedo, waxay weerar culus oo toos ah ku mireen xerada baraxow ee kutaal degmada Baardheere, halkaas oo saldhig u ah maleeshiyaad murtadiin ah.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Arbacoow oo ka tirsan deegaan weynaha ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, waxaa faahfaahin laga helay weerar madaafiic ah oo ciidamada mujaahidiintu ay ku garaaceen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Buulo-xaaji ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Howlgalkaasi madaafiicda ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa Allaah fadligiis ku dhintay hal askari oo murtad ah, halka ay ku dhaawacmeen 7 askari oo kale.