Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay ilaa laba qarax la beegsaden saldhigga murtadiinta degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxaana halkaas ku dhintay laba askari oo murtadiin ah, halka shan kalena ku dhaawacmeen.
Waxaanu xog ku helnay in xilliga qaraxu dhacayay ay meel u dhow saldhigga la weeraray ku sugnaayeen murtad General Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha maleeshiyaadka kooxda Riddada iyo murtad Cabdullaahi Sanbaloolsha oo ah taliyaha hay’adda sirdoonka ashahaada la dirirka kooxda Riddada ee NISA.
Howlgallada ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya waxaa ka mid ah dagaal toos ah oo ay ku beegsadeen xerada ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga suganyihiin degmada Jannaale ee Sh/hoose.
Dhanka Baay, waxay mujaahidiintu fuliyeen howlgallo kala duwan oo isugu ira dagaal toos ah iyo kuwa qarax ah, dagaalka tooska ah waxay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen xerada ciidamada Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor.
Qaraxyadana waxay mid ka mid ah mujaahidiintu la beegsadeen goob ay ku qayilayeen maleeshiyo murtadiin ah oo kutaal xaafadda Buulo Jameeco ee magaalada Baydhaba, khasaare Riddada gaaray ayaa ka dhashay qaraxaasi.
Qaraxa labaad ee Baay ka dhacay waxay ciidamada mujaahidiintu la eegteen guri uu degmada Qansaxdheere ka daggan yahay guddoomiyaha Ridada ugu magacaaban degmadaas murtadka lagu magacaabo Cabdi Ibraahiim, waxaa aanu xogta ku helnay in masuulkaasi si dirqi ah kaga badbaaday qaraxa oo ahaa mid la doonayay in lagu khaarajiyo.
Howlgallada jihaadiga waxay isku xiranyihiin ilaa dhulka NFD, gobolka Wajeer waxaa laga helay faahfaahin ku aaddan howlgal qarax ah oo maalmo ka hor ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay duledka deegaanka Qarso ee hoostaga degmada Qorof-xaraar.
Xogta dheeraadka ah ee la helay waa tirada dhaawacyada oo ah 13 askari oo saliibiyiin Kenyaan ah, halka dhimashadu tahay 9 askari, gaadiidka howlgalka lagu gubay waa laba baabuur oo kala ah Kooyal iyo Tow.