Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Buurhakabo, howlgalkan qorsheysan ayaa sidii loogu talagalay u beegsaday xerada saliibiyiinta xabashida.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Yugaandha ee deegaanka Number/60, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Gaarisa ee dhulka NFD, waxay ciidamada mujaahidiintu kamiin u dhigeen ciidamo Lug ah oo isugu jira saliibiyiinta Kenya iyo maleeshiyaad murtadiin Soomaali ah, kuwaasoo ku socdaalayay duleedka deeganka Weel-mareer ee hoostaga degmada Faafi ee gobolka Gaarissa ee gumeysiga Kenya ku hoos jira.
Weerarkan kamiinka ah waxaa Allaah fadligiis lagu dilay hal askari oo Kuffaarta Kenya ah, halka 4 kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo isugu jira 3 Kenyaati ah iyo hal murtad Soomaali ah.