Wararka ka imaanaya magaalada Hawaas ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in dhulgariir cabirkiisu yahay 5.0 Richter uu ku dhuftay meel aan ka fogayn magaaladaasi, kaasoo lagu tilmaamay in uu ka mid yahay dhulgariiradii ugu waynaa ee la diiwaan geliyey toddobaadyadii la soo dhaafay.
Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya waxay sheegtay in dhulgariirka, oo dhacay 29-kii Diseembar uu mid ka mid ah sameeyay toddobo gariir, kuwaas oo la diiwaan geliyay isla maalintaas.
Wargayska Addis_standard ee kasoo baxa Itoobiya, oo soo xiganaya masuuliyiin ayaa sheegay in xudunta dhulgariirkaasi ay ku taalo meel qiyaastii 14 KM u jirta magaalada Hawaas.
Masuul la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa tilmaamay in dhulgariirkaan cabirkiisu ahaa 5.0 laga dareemay magaalada Addis-ababa ee caasimadda ah, waxa uu intaas ku daray in uu mid ahaa dhulgariiro dhowr ah oo la diiwaan geliyay toddobaadyadii u dambeeyay.
Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii lasoo wariyay laba dhulgariir oo ku dhuftay meel u dhow Buurta Fentale, lama soo werin khasaare ka dhashay dhulgariirkan cusub, dhulgariiradan ayaa badanaa waxay sababaan burbur ku yimaada dhismeyaasha.