Wararka laga helayo dhulka Somaligalbeed ee ku jira gacanta gumeysiga maamulka Tigreega Itoobiya ayaa sheegaya in 24 Askari oo ka tirsanaa maleeshiyada Ridada Liyuu Boolis ee daacada u ah dowlada Xabashida Itoobiya ay isku dhiibeen xoogaga kacdoonka dalkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegeen ciidamada ka goostay dowladda Itoobiya ay iska dhiibeen Dahnaq oo ka tirsan dhulka Somaligalbeed.
Xoogaga Xureynta Somaligalbeed waxay sheegeen in ciidanka isku dhiibay ay hubka kala wareegeen islamarkaana ay si wanaagsan ula dhaqmeen oo ay meel ammaan ah ku suganyihiin.
dhanka kale magaalada Gambeella ee galbeedka Itoobiya dhacda ayaa lagasoo sheegayaa in kacdoonno ka dhan ah xukuumadda ay ka bilaawdeen, mucaaradka ku kacsan xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegay in tobaneeyo guri ay ku gubteen rabshadaha ka socda magaalada Gambeela.
Isgaarsiinta Taleefanada iyo khadka Internetka ayay jareen melleteriga Itoobiya waxaana lasoo sheegayaa tacadiyo ka dhan ah dibad baxayaasha oo ay ciidanku geysanayaan.